Ruushka oo Soomaaliya ka dhaafay deyn gaareysa 640 milyan oo dollar maalin ka hor shirka Saint Petersburg

26- July-2023

Ruushka ayaa Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 640 milyan oo dollar maalin ka hor shirkii Saint Petersburg

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay munaasabad Dawladda Ruushku lacag dhan $640 Million kaga dhaaftay Dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $ 640 million.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu berri ka furmayo Shirwaynaha Afrika iyo Ruushka, ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaal8ya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

Leave a Reply