22″ April “2021” MUQDISHO-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeyay shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda.
Ciidan ka tirsan Nabadsugida dharcada ee garoonka diyaaradaha iyo Shaqaalaha Waaxda Socdaalka ayaa saaka isku dhac gacan ka hadal ah ku dhex maray qeybta dadka ka soo dega diyaaradaha caalamiga
Isku dhacan ayaa sababay inay daataan muraayadihii iyo qalabkii yaallay miiska Waaxda Socdaalka ee qeybta hubinta dadka soo dega ee loogu dhifto gelitaanka iyo dal ku galka ah.
Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka oo ay weheliyaan madaxda hay’adaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa kulan degdeg ah ka yeeshey shaqaaqadii maanta ka dhacdey garoonka.
Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubeey ayaa sheegay in ay socdaan baaritan doono ku aadan shaqaaqadii maantay ka dhacday gudah garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdiso.
Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ka dambeeyay markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ayaa Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay raggan la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalka u sheegeen in marka hore raggan la hubiyo, intaas kaddib Nabadsugida ayaa ragga ajnabiga ah xoog ku watay, waxaana dhacday in gacan loo qaaday mid ka mid ah saraakiisha waaxda Socdaalka.
Intaas kaddib ayaa saakay iyadoo rakaabka ka soo degay diyaaradda Turkish Airlines oo safaf lagu ayaa waxaa mar kale isku dhac gacan ka hadal ah uu dhex maray shaqaalaha waaxda Socdaalka iyo Ciidanka Nabadsugida, waxaana isku dhacaas uu sababay dhaawac iyo inay muraayadihii miiska hubinta dadka soo degaya ay daataan
Xaalada gacan ka hadalka ah ayaa sababay inuu saacad hakado howlihii qeybta dadka ka soo dega diyaaradaha caalamiga, waxaana dhacdadan ay aheyd arrin lala yaabay oo garoonkii isku bedelay goob fowdo ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida Hey’adda Nabadsugida, Waaxda Socdaalka iyo saraakiil kale ayaa durba xaalada ku baxay, waxaana haatan socda kulamo iyo baaritaan ku saabsan dhacdadii