3″ April ” 2022″”Muqqdisho
Xukumadda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday deeq ay kaga qeyb qaadaneyso Gurmadka Ganacsatada Suuqa Waaheyn ee ugu weyn magaaalada Hargeyso, kaasi oo horraantii toddobaadkan uu ka kacay dab xooggan.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.
Lacagtaan ayaa bixinayaa si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.
Tillaabadaan ayaana ku soo aadeysa Xilli ay socdaan dadaalo gudaha iyo caalamka, kaasi oo loogu gurmanayo dadka ay saameysay Musiibada ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheyn ee Hageysa.