RW Rooble oo Fariinta La Xiriirta Xaalad Abaareed oo Ka Jirta Galmudug U Diray Beesha Caalamka

Thursday ” 18″November”2021-DHUUSAMAREEB

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka wadajir ah oo ay yeesheen  Golaha Wasiirrada Wasiirrada XFS iyo Galmudug.

Kulanka Wasiirada ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Hay’adaha Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug iyo xaaladda amniga guud ee deegaanadda Maamulkaas.

Kulanka Golaha ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug oo abaar soo food saartay, iyadoona sidoo kale Warbixino ku saabsan doorashooyinka lagu dhageystay kulanka.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay sid犀利士 ii ay gacan uga geysan lahaayeen abaaraha iyo biyo la’aanta kusii baaheysa deegaanada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha safar ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Galmudug, Guddiyada doorashooyinka iyo Odayaasha dhaqanka

Leave a Reply