RW Rooble ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado talaabada looga soo masaafuriyay magaalada laascaano muwaadiniin soomaali ah oo ku sugan gudaha dalkooda

Sunday ” 3″ October ” 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo ka mid ah magaalooyinka壯陽藥 lagu qabanayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlaamka Koonfur galbeed Cali Saciid Faqi iyo maamulka heer degmo ee Baraawe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa u kuurgelay xaaladda amni ee degmada Baraawe iyo adeegyada bulshada, gaar ahaan u diyaar garowga qabsoomidda doorashada qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Eng. Rooble oo la hadlayay bulshada Baraawe ayaa ku tilmaamay falkii shalay magaalada Laascaanood looga soo masaa furiyey muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalkooda ku sugan mid laga xumaado, isagoo ugu baaqay shacabka deegaanadaas in ay ka dhiidhiyaan tallaabada uu qaaday maamulku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo warbixinno ka dhageystay qeybaha bulshada iyo maamulka.

Leave a Reply