Saturday ” Sep” 25, ” 2021” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay Qarixii maanta ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgooska Ceel-gaabta gaar ahaan wadada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo u tacsiyeeyay eheladoodii dadkii ku dhintay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidaan yiri “Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo” ayuu yiri Rooble.
Sidookale Wuxuu Ra”iisul Wasaaraha ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay iney Shacabkeena xasuuqa joogtada ah ku hayaan.
Gabar ka tirsaneyd Xafiiska RW Rooble oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay qar壯陽藥 ixii Muqdisho.
Dadkii maanta ku geeryooday qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta waxaa ka mid noqotay Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble .
Geerida gabadhaan waxaa xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kadib qoraal uu bartiisa baraha bulshada soo dhigay.
Afhayeenka ayaa sidaan qoraalkiisa ku yiri ““Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab. Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.”
Wuxuu intaa ku daray Macalimuu in Hibaaq ay ahayd gabar firfircoon islamarkaana ahayd mid ka mid ah tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. isagoo sidaan yiri “Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo,” ayuu yiri Macallimuu.”
Dhinaca kale Uuruka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarixii maanta iyagoo qoraal ay soo saareyn ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya
Booliska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay qarixii ka dhacay Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aaadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay muqdisho gaar ahaan goobtii uu ka dhacay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Isgoyska Ceel-gaabta ayaa faah-faahin ka bixiyay, isagoo sheegay in qaraxa uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay islamarkaana watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Wuxuu xusay Afhayeenka iney 8 ruux ay ku dhinteen goobta oo uu ku jiro askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada iyo todobo ruux oo shacab ah, iyadoo uu dhaawaca ku sheegay inuu gaarayo illaa sagaal qof, kuwaas oo la dhigay isbitaallada caafimaadka qaarkood ee Muqdisho.
Sidoo kale dadkii ku dhintay qaraxa waxaa ku jiray hooyo Soomaaliyeed iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo saarnaa gaari xilli ay marayeen wadada.
Warar ayaa sheegaya in khasaaraha qaraxa ee dhimashadu tahay 15 ruux, halka dhaawaca uu intaa ka badan yahay, dadkaas ayaa iskugu jira askar iyo shacab intaba, inkastoo ay uu khasaaruhu intaa ka badan karo.