24″ March “2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku壯陽藥 geeriyooday qaraxii argagixiso ee xalay ka dhacay Baladweyn
Allaha u naxariistee marxuumad Aamina Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo xalay lagula beegsaday magaalada Baladweyne, waxaana maanta aas qaran llogu sameeyay Magaalada Muqdusho.