Monday “13” September “2021” Muqdisho
Kadib markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Wasaaradda Maaliyada wareegto uu soo saaray ku amray in aan wax kharashaad ah laga bixin karin qasnada dowladda hadii ay dhacdo in laga soo saarana lagu wargelinayo 犀利士 isaga ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay Hay’adaha Maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Ujeedka kulanka uu Ra”iisul Wasaaraha la qaatay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud ayaa lagu sheegay, isagoo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda.
Waxaa looga hadlay kulanka daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta
