RW / Rooble oo LA Kulmay Saraakiisha Ciidanka Xerada Balli-Doogle?

3″ January “2021” Walaweeyn”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo lagu dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16.

Ra’iisul Wasaaraha oo xog-wareysi la yeeshay ciidanka, ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka DANAB guutadiisa 16-aad ee sida gaarka ah u tababaran ay ka soo hooyeen dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo a as jaws u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka Al-shabaab

“Guutada 16-aad ee DANAB ayaa sida gaar ah u tababaran, waxayna fulinayaan howlgallo qorshaysan oo ka dhanka Shabaab, waana ciidan heegan ugu jira sidii ay dalka uga ciribtiri lahaayeen kooxaha banaystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

Dowladda Mareykanka ayuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaruhu taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la garab taagnayd Ciidanka DANAB.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, isagoona bogaadiyey geesinimada iyo sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida inay dalka difaacan.

Leave a Reply