RW Rooble oo Shaaciyay Sababta Loo Furay Wadooyinkii Xirnaa Ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta shaaciyay inuu kamid ahaa muddo bil kahor dadka shacabka ah ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlaayay Munaasabad lagu daah-furayay waddooyinka ee Muqdisho ayaa sheegay in waddooyinkii xirnaa ee Caasimadda dalka loo furay si loo fududeeyo nolosha, Ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha Gobolka.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Shacabka Muqdisho ay muddo badan dhibaato ku qabeen xirnaashaha waddooyinka, isagoona raali-geliyay shacabka ku dhaqan Caasimadda ee dhibaatada ku qabay xirnaanshiyaha waddooyinka.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in haatan la furay qaar kamid ah waddooyinka, welina ay harsan yihiin kuwo kale, hayeeshee furitaanka waddooyinka xiran laga sugayo la shaqeyn shacabka ee laamaha amniga dowladda.

Si kastaba Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayaa dhibaato farabadan ku qabay xirnaashaha waddooyinka, waxaana dowladda haatan la furtay waddooyin dhowr ah, isla markaana laga qaaday dhagxaanta markii horey lagu jaray.

Qaar kamid ah isgoysada magaalada Muqdisho ayaa xalay laga qaaday dhagxaantii ay hore dowlada u dhigtey.

Isgoysyada dhagxaanta laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah isgoysyada Sanca, Jardiinka, Folorenza, Bakaaraha iyo kuwo kale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhagaxaanta laga qaaday waddada wadnaha la dhigay Jidka Warshadaha, waxaana la dhigey Isgoyska Ifka xalane,xaruntii Teleefishinka oo u dhaw Isgoyska miisaanka Dhuxusha.

Dowlada ayaa dhowaan sdidoo kale waxa ay ka qaaday dhagxaantii tiil qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir.

Qaadista jidgooyooyinkan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli la gudo galay doorashada labada gole iyo tan madaxweynaha

Leave a Reply