R/wasaare Rooble ayaa sheegay in uu qaadidoono talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo xadgudubyo uu sheegay in ay ka dhan yihiin hantida qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda saacado kadib markii uu sharci daro ku tilmaamay heshiis Shidaal oo uu galay wasiirka batroolka

20″ February “2022” Muqdisho

R/wasaare Rooble ayaa sheegay in uu qaadidoono talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo xadgudubyo uu sheegay in ay ka dhan yihiin hantida qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda saacado kadib markii uu sharci daro ku tilmaamay heshiis Shidaal oo uu galay Wasiirka Batroolka

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”

犀利士 er”>

Ra’iisulwasaraha ayaa sheegay in uu qaadi doono tillaabooyin looga jawaabayo saxiixa Heshiiskaasi.

“Ra’iisulwasaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale sidaan waxaa uga hor-yimid heshiiskaan Madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay in aan lagala tashan.

Leave a Reply