RW Rooble ayaa soo dhaweeyay dhamaystirka doorashada xildhibaanada Jubaland markii xubnihii ugu danbeeyay maanta lagu doortay magaalada Ceelwaaq


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

23″ April “2022” Muqdisho

RW Rooble ayaa soo dhaweeyay dhamaystirka doorashada xildhibaanada Jubaland markii xubnihii ugu danbeeyay maanta lagu doortay magaalada Ceelwaaq xili uu madaxweynihii hore maxamed cabdulahi Farmaajo magaalada garabahaareey ka bilaabay talaaboyin uu Isku hortaagayo doorashada

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland ku bogaadiyay Doorashadii ay ku qabteen Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

“Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo” ayuu Rooble ku yiri bartiisa Facebook.

Sidoo kale, waxaa uu u hambalyeey Xildhibaannada Cusub ee la doortay, isaga oo yiri:

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.”

Dhinaca Kale RW Rooble iyo Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulmay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada gaar ahaan dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee ku harsan Maamulka Hirshabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabeelle dadaalka uu galiyay in Doorasho lagu qabto magaalooyinka Jowhar iyo Beledwayne, isaga oo u rajeeyay in uu soo dhammeystiro kuraasta dhiman.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ku harsan kuraas ay deegaan Doorashadooda tahay Jowhar iyo Beledwayne, kuwaasi oo mid kamid ah ay ku fadhisay Allaha unaxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo bishii hore lagu dilay Magaalada Beledwayne.