Sunday ” 5″ September “2021 ” Muqdisho”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Maanta gaareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Guuleed Khadar.
Ra’iisul Wasaare Roobe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku boggaadiyay heshiiska ay khilaafkii doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ka gaareen labada Mas’uul, isagoona ku ammaanay xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen.
Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ka qaadatay heshiiska miro dhalaan ahaa ee dadaalladii xalka loogu raadinayay khilaafkii u dheexeyay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi Mahadi Guuleed Khadar.
Waxaan soo dhaweynayaa isla markaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee Somaliland. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaan ku ammaanayaa xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay in ay miro dhalaan dadaalladii xalka loogu raadinayay arrintan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ugu dambeyn Rooble ayaa rajeeyay in heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed uu dhaqan galo, loona dhaqaaqo doorashada xubnaha Somaliland ku matalaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan.
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku heshiiyay in lasoo afjaro khilaafkii muddada jiray, isla markaana la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha Guddiga doorashada Somaliland, sidoo kalena la gudagalo doorashada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.
Cabdi Xaashi Iyo Mahdi Guuleed oo Ka Heshiiyay Khilaafkii Doorashada Somaliland
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee ka taagnaa doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada heshiiyeen in lasoo afjaro khilaafkii ka taagnaa doorashada kuraasta Somaliland.
Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ku heshiiyay in la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha maamulaya doorashada kuraasta Somaliland ee Garabyada siyaasadeed ee Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.
Cabdi Xaashi iyo Mahdi ayaa isla gartay in lasoo afjaro iskooxeysigii iyo abaabulkii u dhexeeyay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirgelinta doorashada Somaliland.
Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa waxaa ka dheexeyay khilaaf in muddo ah soo jiray oo ku aadan doorashada kuraasta Somaliland, waxaana xusid mudan in mar heshiis laga gaaray khilaafka, wallow mar kale uu soo laabtay, kadibna sababay in laba Guddoon ay kala doortaan Guddigii doorashada Somaliland.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay lasoo saaray