RW Rooble ayaa ku martiqaaday ka soo qaybgalka shirka wadatashiga qaran oo maalintii labaad galay midowga musharaxiinta , Bulshada rayidka iyo Wakiillada Beesha Caalamka

4″ January “2022” Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee magaalada muqdisho ayaa maalintii labaad galay

Wadahadallada oo uu qorsheeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 27-ka Diseembar 2021 ayaa dib loo dhigay ka dib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay todobaadkii hore Ra’iisul Ra’iisul Wasaaraha yo madaxweynihii hore maxamed cabdulaahi farmaajo

Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa ka qeyb galaya shirka, oo diiradda lagu saarayo dardar gelinta howlaha horyaalla, ooy ugu horeeyso habsami u socodka iyo dhameystirka doorashooyinka dalka oo muddo dheer dib u dhac ku yimid.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabgabeeyo doorashada, iyadoo turxa壯陽藥 an bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

Leave a Reply