RW Rooble;” waa in aan isu kaashannaa in uusan nagu soo noqon xanuunkan oo kale,

Thursday ” 14″ October “2021” Muqdisho

RW Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay inuu ka xanuunsanayo uuna u duceynayo dadkii ku shahiiday qaraxan

4 sano ayaa laga joogaa qaraxii argagixiso ee 14-kii Ocboter 2017, oo ay ku shahiideen muwaadiniintii ugu badnaa ee mar qura argagixisadu naga dilaan.

Waxaan xusuusaneynaa una duceyneynaa walaaleheennii ku nafwaayay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti beelay.

Qaraxii bahalnimo ee 14-kii October waxa uu astaan u ahaa arxan darrida argagixisada Alshabaab ee aan u naxayn shacabka, kana been sheegaya diinta.

Innagoo xusuusaneyna walaaleheennii ku waxyeelloobay weerarkaas waxshinimo, waa in aan isu kaashannaa in uusan nagu soo noqon xanuunkan oo kale, kana shaqeynaa nabadda iyo xoojinta dowladnimada.

Leave a Reply