RW Xamse oo ka hadlay geerida Talyihii Booliiska Gobolka Banaadir

30″ September “2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa  ka tacsiyeeyay geeridii ku timid taliyihii ciidanka booliska gobolka banaadir Farxaan Qaroole.

“Rabbi haka aqbalo shahaadada uu maanta qaatay Gen Farxaan Maxamuud Aadan, wuxuu shihiidey isaga oo koryeelaaya sharafta Diinteenna iyo karaamada ummaddeenna kuna howllan xorreynta deegaannada katirsan gobolka Shabeellaha dhexe, gaar ahaanna Basra.

Mar haddii aan ku jirno Dagaal xaq u dirir ah oo aan Diinta iyo Dalka ugu gargaarayno waxaan shaki ku jirin in ay ku Shahiidayaan Geesiyaal naftooda u huray xoreynta Diintooda iyo Dalkooda, laakiin waxaan hubaa in ay Alle agtiisa boos fiican ka heli doonaan Inshallah.

Marna kuma niyad jabayno in aan wayno halyeey iyo laba u diyaar ahaa inay naftooda waayaan ee waxaan ka qaadeynaa dhiiranaan iyo in aan kusii taagnaano waddada xaqa ah‎” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse

Talyihii Booliiska Gobolka Banaadir oo qarax miino lagu dilay

Talyihii Booliiska Gobolka Banaadir, Gen. Farxaan Maxamuud Aadan ( Qaroole) ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa oo miinada nuuca dhulka la geliyo ayaa la lala beegsaday kolonyo uu la socday General Qaroole oo xillgaasi ka soo baxay deegaanka Basra, kuna soo jeeday Muqdisho.

Leave a Reply