RW XFS oo maanta u ambabaxay Dalka Itoobiya

13″ October “2022””

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Itoobiya.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa f壯陽藥 aah faahin ka bixiyey ujeedka safarka Xamse, wuxuuna sheegay in Xamse uu Itoobiya uga qeyb geli doono shirka caalamiga ee Madasha Tana.

Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa la filayo inuu madasha ka jeediyo qudbad dhinacyo badan taabanayso ayaa wuxuu kaga hadli doonaa dhibaatooyinka xagga amniga ee haysta dalal fara badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo kacdoonka shacab ee lagu cirib tiro haraadiga argagixisada Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa inta uu shirku socdo wuxuu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda ka qeyb galeysa madasha, isagoo kala sheekeysan doona sidii laysaga kaashan lahaa la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Leave a Reply