RW XFS oo Shir Guddoomiyay kulanka Iskaashiga Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika

20″ July”2022″ Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.

Safiirka Djibouti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrik壯陽藥 a, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.

Leave a Reply