RWasaare Rooble oo u Ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa sheegay In Farmaajo ay si fiican u soo wada shaqeeyeen intii aan ka ahayn doorashada, ooy ku kala aragti duwanaayeen

19″ May”2022″ Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo xilkaas loo doortay 15-kii bishaan may ee sanadkaan.

Dhinaca kale, qoraalka kasoo baxay  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dowladda Imaaraadka Carabta ay ugu wareejisay lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble bishii January ee sanadkan uu amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii hore ee 2018.

RW Rooble “Farmaajo waxaa ku kala aragti duwaneyn doorashada, balse si wanaagsan ayaan usoo wada shaqeenay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa u hambalyeeyay Madaxweyanaha dhawaan la doortay ee cusub Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana alle ugu baryay inuu u fududeeyo howsha culus ee hortaala, isagoo ku hadlayay magaca xukuumadda iyo kan Shacabka Soomaaliyeed.

“Marka hore inaan u hambalyeyno dhamaanteen anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda ee Golaha Wasiiradda iyo anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay madaxweyne Xasan Shiikh Allah ha u fududeeyo howsha culus ee hortaala, xaalka dalka waan ka dharagsan nahay nabadgalyo hadee tahay, dhaqaalo hadee tahay iyo arrimaha bulshadu howl culus ayaa u taalo marka waxaan leeyahay dhamaan Golaha Wasiiradda iyo Shacabka Soomaaliyeedba oo aan ka codsanayaa in madaxda illaahey loo baryo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa isna ugu mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidii sharafta lahayd uu dalka kusoo hoggaamiyay iyo sidii uu u sameeyay xil wareejintii ahayd qori isku dhiibka.

“Waxaan rabaa sidoo kale in shacabka soomaaliyeed aan u sheego in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay nasoo dhexmartay wada shaqeyn fiican iyo mid walaaltinimo, bina’aadam baa la yahoo ilko iyo carab baa isku dhow waa ay isqaniinaan waaxana sheegayoo madaxweynaha aad ayaan iskula shaqeenay laakiin dhibka Soomaaliya heesta waan sheegay oo waa milkiilaha laakiin waa laga baxayaa macno malahan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble.

Raysal Wasaaraha oo sii hadlayay ayaa ayaa Madaxweyne farmaajo ka u sheegay inay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa, balse ay ku kala aragti duwanaayeen doorashada, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay

Leave a Reply