Saacadda ayaa hoos u dhacday, Iyadoo niyad jabka martigeliyayaasha COP29 uu kor u kacay

Iyadoo waqtiga shirwaynaha Baku uu sii dhamaanayo, wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ah ayaa isku khilaafsan sida loo maalgelinayo dagaalka ka dhanka ah isbedelka cimilada Iyo qaababka loo xoojinayo Adkeeysiga Iyo la qabsiga

Wadamada taagta daran waxay raadinayaan $1.3 tiriliyan si ay wax uga qabtaan waxyeelada ka timaadda isbeddelka cimilada iyo inay la qabsadaan isbeddelkaas, oo ay ku jirto inay dhistaan ​​nidaamkooda tamarta nadiifka ah sida uu ka dhawaajiyay Cali Maxamed, oo ah guddoomiyaha kooxda gorgortanka ee Afrika

Gorgortanka wadahadalada cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo laabtay halxiraalaha raadinta heshiis lagu keenayo lacag aad u badan oo loogu talagalay wadamada soo koraya si ay ula qabsadaan marka loo eego wadamada hodanka ah waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay bixiyaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay gorgortanka wadahadalada cimilada ee sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay in ay bilaabaan ” riixid weyn ” oo heshiis ah ka dib markii ay diideen heshiis qabyo ah oo hal maalin oo kale ah oo shir madaxeedka uu socdo.

Waddamada ka qayb galaya shirka COP29 ayaa safaf dhaadheer u galay sidii ay u fashilin lahaayeen heshiis qabyo ah oo ay soo saartay martigeliyaha Azerbaijan khamiistii, kaas oo ku guul daraystay in uu wax ka qabto arrinta ugu muhiimsan ee ah inta lacag ee ay tahay in dalalka qaniga ahi ay siiyaan waddamada soo koraya si ay ugu gudbaan tamarta nadiifka ah iyo in ay la qabsadaan kulaylka caalamiga ah.

“Waqtigii ciyaaraha siyaasadeed waa dhammaaday,” ayuu yiri Cedric Schuster, guddoomiyaha Samoan ee Isbaheysiga Jasiiradaha Yaryar (AOSIS), koox quruumo ah oo khatar ugu jira badaha sii kordhaya