Heesaayaal sii kiciyay xiisadda badda ee ka dhex taagan Somalia & Itoobiya

6- April-2024

Saameynta fanka iyo muranka badda

Muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu soo guurguurto isla markaana uu soo maro marxalado kala duwan hadda waxa uu muran hor leh ka dhex billowday fanka Soomaalida iyo xitaa Itoobiya.

Fanaanka Sharmaake Cabdinaasir, loona garan og yahay Sharma Boy, waxa ku caan yahay heesaha kuwa loo yaqaanno ‘Raabka’, kadib go’aankii Puntland ee ahaa in ay si caadi ah u sii wadaneyso wadashaqeynteeda Itoobiya, waxaa barihiisa bulshada ugu daatay taageerayaal badan oo ku qasbay in uu ka soo hadlo arrintan, waliba uu soo dhinac istaago maamulka uu kasoo jeedo ee Puntland.

Muranka badda
Qoraalka sawirka,Sharma iyo jawaabtiisa diidmada Puntland

Hase yeeshee Sharma oo kasoo jawaabay ayaa yiri, “Reer Puntland-ow xaaladda dejiya oo is qaboojiya, aniga waan idiin sheegay marka ay taagan tahay qadiyadda badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya waa daruuri in aan ka hadlo, siyaasadda dhex taallo Xasan sheekh iyo reer Puntland waa gooni, laakin aniga bannaanka ayaan taaganahay dagaal kale ayaan ku jiraa.

“Maskaxdiina wax ka dhaadhiciya oo fahma, waxa aan ku jiraa dagaal qaran, markii aan dagaal qaran ku jiro madaxweynaha markaas talada haya waa in aan geeyo darajo sare oo aan ku faano, taasna waa waajib i saaran, marka siyaasadda Puntland iyo Xasan Sheekh ka dhaxaysa aniga dhex-dhexaad ayaan ka ahay”, ayuu yiri Sharma boy.

Waxa uu sheegay in uu yahay fannaan Soomaaliyeed, markii laga hadlayo arrinta baddana aysan muhiim ahayn in dadku ay gorgortan ka galaan.

Sharma boy waxa uu soo qaaday hees hal-ku dhiggeedu uu yahay, ‘Lafti nagaa hanoo dhiibin’ isaga oo kala jeeda dal kale yaan gacanta naloo gelin, waxa uuna sheegay in haatan uu soo qaaday qaybtii labaad ee heestaas.

Fanaan kale oo reer Itoobiyaan ah oo la yiraahdo Shiqirqir ayaa isna ka soo jawaabay heesta Sharma boy ee Lafti nagaa isagoo heestaas ku difaacayey dalkiisa.

Ninkan lagu magacaabo Shiqirqir ayaa heestiisa la sheegay in uu dalkiisa ku difaacday isaga oo sharma boy si toos ah ugu jawaabay.

Muranka badda
Qoraalka sawirka,Dayax iyo Jawaabtiisa bandhiggii Hargeysa

Dhinaca kale fanaanka reer Muqdisho ee Dayax Dalnuurshe ayaa baajiyay bandhig faneed uu ku lahaa magaalada Hargeysa maalmaha ciidda.

Dayax ayaa hore bartiisa Facebook kusoo qoray ‘Baddeenu iib maaha’ iyadoo qoraalkaas uu hadal heyn badan dhaliyay labada dhinacba.

Ugu dambeyn baraha bulshada waxaa mar kale ka dhacay dagaal qabow oo dhex maray dhallinta reer Muqdisho iyo reer Hargeysa, taas oo sababtay in Dayax Dalnuurshe uu bandhig faneed kale ka dhegsaday Muqdisho.

“Wax raalli gelin 犀利士 ah kama bixin doono in aan baajiyay showgeygii Somaliland, hase yeeshee xushmad ayaan u hayaa dad i jecel anna aan jecelahayna wey joogaan, laakiin sababta aan u diiday in aan raalli gelin bixiyo ayaa waxa ay tahay in aanan qadiyadda Soomaaliyeed dhex dhexaad ka noqon karin maadaama ay awooweyaasheey u soo dagaallameen dhulkaan”, ayuu yiri Dayax dalnuurshe.

Muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo bilo ah soo jiitmayay iyada oo ugu dambeyn uu ku sii faafay qaybaha kale ee bulshada iyo fankaba, laakinse fanaaniinta Somaliland weli sooma aysan dhex galin muranka badda.

Leave a Reply