Saaxiibada Caalamiga Ah ee Somalia oo hadal kasoo saaray Colaada Laascaanood

27- August-2023-

犀利士 ds/2023/08/image-78.png” alt=”” class=”wp-image-105448″/>

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si adag u cambaareeyay sii hurinta colaadda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo shalay dorraad ka dhaceen dagaalo culus oo Saldhiga Goojacadde looga saaray ciidanka maamulka Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa dhammaan dhinacyada lagu booriyay inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, waxaana loogu baaqay in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo.

“Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka” ayaa lagu yiri Warka Wakiilada.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku celiyay muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya. Dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah” ayaa lagu sii yiri Warka.

Warkaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Jabuuti, Wafdiga Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Leave a Reply