25″ May-2023
56-jirkaan ka soo jeeda Scotland ayaa bishii November magaalada Milan ka bilaabay shaqada qunsulka guud ee boqortooyada Ingiriiska.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hadda xilkaas uga tagay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, kaasoo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.
Aabaha dhalay laba caruur ah ayaa sheegay in inkasta oo qoyskiisu ay aad ugu farxeen markii uu xilka ka qabtay Talyaaniga, haddana waxaa jirta sharraxaad dheeri oo uu hadda bixinayo.
Maalmahaas, diblumaasiyiinta da’da yar ayaa loo diri jiray si ay indhaha ugu furt壯陽藥 aan meelaha sida Paris, Brussels iyo Bonn,” ayuu yidhi.
“Waxaan xusuustaa inaan ka baryay waaxda shaqada iyo shaqaalaha: ‘Bal eeg, kuma aanan biirin Xafiiska Arrimaha Dibadda si aan u aado Jarmalka, Faransiiska ama Belgium – ii dir meel ka baxsan meelaha caadiga ah, fadlan’.
“Sidaas darteed, waxay ii soo dhejiyeen Malaysia, taas oo ahayd mid aad u fiican, xilligaa isaga ah, xitaa ma aanan garanaynin meesha ay Kuala Lumpur ku taal.”
Doorkiisa ugu dambeeya wuxuu hoggaamin doonaa in ka badan 80 shaqaale ah oo ka shaqeeya Soomaaliya.
“Weerarradii al-Shabaab ee sannadkii hore waxa uu ka dhignaa in aanan wax dhalanteed khatareed ah ku jirin,” ayuu yiri.
“Waa inaan la qabsado safarrada joogtada ah ee waddooyinka anigoo xiran dharka xabadda celiya, taas oo dhib badan, laakiin ah habraac badbaado oo muhiim ah.
“Caqabadaha ka sokow, shaqadu waxay noqon doontaa mid soo jiidasho leh, anigoo diiradda saaraya sidii aan u gaarsiin lahaa UK in ay la dagaalanto argagixisada, xasilinta iyo yoolalka bani’aadamnimada.”
Khatarta ay dublamaasiyiinta ku wajahayaan agagaarka Suudaan ayaa dhawaan hoosta laga xariiqey halkaas oo boqortooyada Ingiriiska ay soo gebagebeysay daad gureynta degdegga ah ee ugu weyn uguna dheer marka la eego dalalka reer galbeedka ee kale, halkaas oo ay ka soo saartay in ka badan 2,450 qof.
Mike kuma cusba in uu ka shaqeeyo degaano halis ah xilligiisii xafiiska arrimaha dibeda ee uu kasoo shaqeynayey ku dhawaad 40 sano.
Waxa uu hore u soo noqday ku xigeenka madaxa hawlgalka ee Kabul, isagoo ku takhasusay la-dagaalanka argagixisada, waxa la geeyay dhacdooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin qarixii qunsuliyadda Istanbul ee sannadkii 2003 iyo afduubkii iyo dilkii Ken Bigley ee Ciraaq.
“Goortii ugu darneyd waxay ahayd markii aan Baqdaad ka ahaa maareeyaha qalalaasaha ee loo diray inuu hoggaamiyo kiiskii afduubka ee Ken Bigley.
“Waxaan si cad u xusuustaa in aan talefan ku hadlayey xilli uu socday weerar hoobiye ah, kaasoo ku dhacay meel u dhow safaaradda.
“Kombuyuutar anigoo wata ayaan miiska hoos garguurtay, waxaa isku mar dhacay dhawaqa taleefoonka iyo qaraxyo xilli aan warbixin u gudbinayay madaxda sare ee London, waxay igu amreen inaan u dego qolka badbaadada”.
Hawlgal kale oo aan maankiisa ka bixi doonin ayaa mar uu ku sugna dalka Srilanka ka dib sunaamidii halkaas ka dhacday sannadkii 2004.
Waxaan ku jiray meel dhulka hoostiisa ah 36 saacadood ka dib musiibada, waxayna ahayd silac,” ayuu yiri.
“Caruurtayda markaas waxay kala jiren siddeed sano iyo afar sano, saas darted aad ayey iigu adkayd in aan la tacaalo qoysas ku caruur waayey musiibada.”
Wuxuu ku tilmaamay “shaqo Qallafsan” halkaas oo qolal meydadku “bux dhaafeen” balse wuxuu sheegay in markaas loo baxsado “xirfadda iyo tababarka”.
Waxa uu uga mahad celiyey xaaskiisa Libby iyo qoyskiisa sida ay ugu dadaaleen in uu kasoo kabto utunta kasoo gaadhay shaqadiisa wuxuu dhawaan dhameystiray orod maratoonka markiisii labaad.
“Nasiib wanaag weligey ma aanan la kulmin caafimaad xumo maskaxeed, waxaa ku mahadsan qoyskayga, saaxiibadayda dhow, iyo tamarta aan orodka ka helo,” ayuu sheegay.
“Waan dhibsadaa marka uu dhaawac yar isoo gaaro ee aanan ordin dhowr maalmood.”
Waxa uu sheegay in uu jecel yahay shaqadiisa uu ku matalayo Uk iyo Scotland wallow uu qof baraha bulshada isticmaalaya ugu yeeray “Diblomaasi gaboobay, oo la dhoobdhoobay”.
“Waxay taasi iila muuqatay wax qosol ah, balse qodobka muhiimka ah ee ka dambeeya ayaa ah waaya argnimada,” ayuu yiri.
“Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Barwaaqosooranka Ingiriiska (FCDO) ayaa badanaa ah isha wax lagu arko xilliga duufaanta, balse u adeegista shacabka ayaa sal u ah wax waliba oo aan samayno,” ayuu ku daray.
“Diblomaasiyiintayadu way ku faraxsan yihiin in ay calanka UK ka lulaan gees walba oo halis ah caalmaka.”
Taasi waa sababta Mike Nithavrianakis uusan uga caga jiidin in uu ka boxo Lombardy xitaa haddii ay ku qaadanayso in uu qoYskiisa in badan ka maqnaado.