Sababta Mahad Salaad u baxay iyo arrimaha horyaalla agaasimaha cusub


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

5- April-2024″

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa shalay loo magacaabay agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ayaa ku dhawaaqay in markii saddexaad Sanbaloolshe uu noqday agaasimaha hay’addaan kamidka ah kuwa ugu muhiimsan dalka. Waxa uuna beddelay Mahad Maxamed Salaad oo ay Golaha Wasiiradda farriintooda ugu mahad-celiyeen.

Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan 2024, markii uu Mahad Salaad la wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza damiciisa hoggaanka Galmudug, Villa Somalia waxaa ka dhex socday loolanka kursigan, kooxda madaxweynaha ayaana dhowr musharax la kala safatay.

Dadkii miiska saarna ee Sanbaloolshe uu kursigan uga adkaaday waxaa kamid ahaa Axmed Macallin Fiqi, Cabdalla Cabdalla iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Saddexdii muddo xileed ee ugu dambeysay dowladnimada Soomaaliya Sanbaloolshe wuxuu nasiib u yeeshay inuu mid walba ka noqdo taliye nabad-sugid, balse marna sanad uma buuxsamin.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu markaan kusoo aadaya iyada oo hay’adda ballaaratay, ciidan fara badan yeelatay, sharci loo sameeyay, kuna guuleysatay inay wax badan ka qabato xaalad amni ee magaalada Muqdisho.

Waa marxalad aad uga duwan marxaladihii hore ee uu kusoo aadi jiray. Waxaana hortaalla inuu diiwaanka isbeddelka amniga Muqdisho xajisto, inuu la yimaado afkaar amni oo cusub iyo inuu marxaladdan wax badan taro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu dhawaan dib ugu laabto la-dagaalanka argagixisada.

Mahad Maxamed Salaad, agaasimihii hore ee NISA wuxuu isna food saaray cutub cusub. Damiciisa hoggaanka maamulka Galmudug ee madaxda sare uu la wadaagay ee isbeddelkaan dhalay ayaa ka dhigan inuu fursad buuxda usoo helay ololihiisa doorashada Galmudug iyo dhinaca kale in doorashada maamulkaasi ay noqon karto mid xiiso leh oo dhinacyo miisaan leh ay isku hayaan.

Leave a Reply