Xigasho: Goobjooge
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Madaxweyne Farmaajo uga guuleystay laba qodob oo halis ku ah siyaasadisa, kadib tanaasullo uu sameeyay 24-kii saac ee ugu danbeeyay, iyadoo aan si rasmi a loo furin shirkii la filayey inuu dhex maray saddexda dhinac.
Qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ahaa in Madaxweyne Farmaajo kulan saddex geesood ah la yeesho Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, isagoo kala doodaya waxa ay ka qabaan Heshiiska Doorashada ee Dhuusamareeb 3, kadib markii ay tallooyinkooda soo jeediyaan, shir kale Madaxweyne Farmaajo isugu yeero madaxda saddex Maamul Goboleed ee saxiixay Heshiiskii Dhuusamareeb 3, taasoo keeni lahayd inay iska hor yimaadaan maamul Goboleedyada
yimaadeen Qorshe sababay inay burburaan kaararkii siyaasadeed ee uu ciyaarayey Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa marka hore ay diideen inuu furmo kulankii ay rabtay Madaxtooyada, waxayna la yimaadeen shuruudo ay ka mid yihiin: arrinta Gobolka Gedo iyo in shirka ay ku soo biiraan madaxda maamul Goboleedyada kale.
Qodobka labaad ayaa ka dhigan Shirkii Dhuusamareeb 3 oo dib loo qabanayo iyo in Madaxweyne Farmaajo uu fara-marnaan ka joogo wixii uu ka soo ansixiyey madaxda ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareeb 3
Haddii si kale loo dhigo waxaa halis ku jira labadii arrimood ee ugu waaweynaa mustaqbalka siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo kala ah dib doorashadiisa oo mugdi ku jiro iyo dadaalkii uu ku bixiyey Gobolka Gedo oo natiijo la’aan ah.
Haddii si kale loo dhigo waxaa halis ku jira labadii arrimood ee ugu waaweynaa mustaqbalka siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo kala ah dib doorashadiisa oo mugdi ku jiro iyo dadaalkii uu ku bixiyey Gobolka Gedo oo natiijo la’aan ah.
Xigasho: Goobjooge