13″ April ” 2021
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo muddo ka badan Bil ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona aaday Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.
Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa markii hore u yimid ka qeyb galka shirar looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka iyo khilaafka ka taaga, kuwaasi oo dhammaantood fashil kusoo dhammaaday.
Labada Madaxweyne ayaa inta ay ku sugnaayeen Muqdisho ka qeyb galay shirar hordhac ah oo u furmay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyad oo markii dambe lagu kala tegay, kadib markii la isku fahmi waayay.
Sidoo kale labada Mas’uul ayaa inta aysan ka bixin kulankii ugu dambeeyay la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoona u gudbiyay mowqifkooda ku aadan Go’aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay muddo kordhinta ugu sameeyeen Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.
Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si adeg uga soo horjeestay Go’aanka muddo kordhinta labada sanno ee shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday.
Kal hore Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada ku amartay in aysan Muqdisho ka tegi karin ilaa heshiis rasmi ah laga gaaro, hayeeshee waxaa muuqatada in gebi ahaan wax kasta oo wada-hadal ay soo xirmeen, kadib markii la is fahmi waayay