21-Aug-2023
Sacuudi Carabiya ayaa diiday eedeymaha ah in ay Itoobiya ku laysay xadka Yemen
Boqortooyada Sacuudiga ayaa beenisay warbixin lagu eedeeyay suurtagalnimada dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ka dhacay xudduudaha koonfureed ee dalka.
Ilo ka tirsan dowladda Sacuudiga ayaa beeniyay eedeynta Human Rights Watch ee ah in ilaalada xuduudaha Sacuudiga ay dileen boqolaal muhaajiriin Itoobiyaan ah.
Warbixin ay soo saartay hay’adda u dooda xuq犀利士 uuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada ilaalada xudduudaha Sacuudiga inay rasaas xooggan ku fureen, isla markaana ay u adeegsadeen hub walxaha qarxa inay ku dilaan tahriibayaal Itoobiyaan ah
Warbixintu waxa ay sheegtay in boqolaal qof oo ay ka mid yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah kana tallaabay xadka dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan la toogtay. Dadkaan ayaa doonayay in ay gaaraan Sacuudiga.