/ AFP]
Qarax ka dhacay qabuuraha intii lagu gudajiray xafladii xuska dagaalkii 1aad ee aduunka 1aad waxaa si adag u cambaareeyay boqortooyada, Faransiiska iyo kuwa kale
Dhowr waddan ayaa xusaya 102 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii hubaysnaa ee ay kala saxeexdeen Jarmalka iyo waddammada isbahaysiga ah si loo soo afjaro dagaalkii 1914-1918 [Fayez Nurdeldine
Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen kadib markii walxaha qarxa lagu dhuftay xaflad caalami ah oo lagu xusayay dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka oo lagu qabtay qabuuraha magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya.
Dhowr waddan ayaa wakiilo ku lahaa dhacdadii Arbacada, oo lagu qabtay qabuuraha dadka aan Muslimka ahayn ee dhintay waxaana ka soo qaybgalay diblomaasiyiin shisheeye.
Saacado kadib dhacdada, maamulka deegaanka ayaa sheegay in muwaadin Griig ah iyo sarkaal amniga Sacuudiga katirsan lagu dhaawacay waxa ay ku tilmaameen “fulaynimo”. Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in muwaadin udhashay UK uu sidoo kale soo gaaray dhaawac fudud.
Bayaanka Sucuudiga oo ay sidday wakaaladda wararka ee SPA ayaa lagu sheegay in baadhitaan uu socdo ayna ku xaqiijiyeen in dhowr qunsul ay goobjoog ahaayeen.
Sarkaal ka socda Griiga, oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa mar sii horreysay sheegay inay jiraan “afar dhaawac oo fudud, oo uu ku jiro hal Griig ah”, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Telefishinka Qaranka Sacuudiga ayaa dhanka kale ka soo tabiyay banaanka qabuuraha wuxuuna qirey in weerar ku lug leh walxaha qarxa uu dhacay, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyey in xaalada amaanku ay hada tahay “mid degan”.
Ma jirin wax sheegasho masuuliyadeed ah oo deg deg ah iyo ujeedka laga lahaa.
Saacado kadib dhacdada, Telefishanka Qaranka ee Sacuudiga ayaa laga baahiyay banaanka qabuuraha wuxuuna qirey in weerar uu kujiro walxaha qarxa uu dhacay Gobollada – dhammaantood lala xiriiriyay xafladda xuska – waxay cambaareeyeen weerarka, iyagoo ugu yeeray “fulaynimo”.
“Weerarrada noocan oo kale ah ee lala beegsanayo dadka aan waxba galabsan waa wax laga xishoodo oo gebi ahaanba aan lahayn caddaalad,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu daray inay ku ballanqaadayaan inay taageerayaan mas’uuliyiinta Sacuudiga inta ay baarayaan dhacdada.