4- October-2023

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Saciid Sulub ayaa xaqiijiyay arrintaan, isaga oo sheegay in dhoofkii xoolaha Somaliland uu ku istaagay amar kasoo baxay Jidda.
“Hakadaka halka Jidda ayuu ka yimid, xoolaha dalal badan ayay u dhoofan, dalalkaas oo dhan way u furanyihiin, wayna hagaagaysa inshallah, mana raagayso,” ayuu yiri wasiir Sulub oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Horn Cable.
Wasiir Saciid Sulub ayaa rejo wanaag ka muujiyay in dib loo furo dhoofka xoolaha ee Sacuudiga uu hakadka galiyay, isaga oo sheegay inay wadaan dadaalo la xiriira arrintaas.
“Dhinac walba howsha waa kala xidhiidhnay waxaa filaynaa howl deg deg ah. Shirar ayaa ku jirnaa illaa maanta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland.
