Ruqsadaha kaluumeysi sharci-darro ah ooy Putland bixiso ayaa u muuqda mid Udub-dhaxaad u ah dib u soo laabashada Burcadbadeeda gobolka Waqooyi Bari ee Somalia Iyadoo aan meesha laga saari karin suurtagalnimada dhaqaalaha Madaxfurashada ah ee ay helaan burcadu In uu aadi doono qeybo ka mida gacmaha Daacishta Putland.
Burcad badeed xeebaha Putland oo Magaalada Xaafuun afduub ugu heeysta Markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, ayaa dalbanaya lacag madax furasho oo dhan 10-milyan oo dollar iyadoo markabka laf,ahaantiisa ay tahay in wax layska weeydiiyo sida sharciyan uu uga kaluumeeysnayay biyaheena, taas oo dhiirigelisay soo nooleeynta Burcad-badeednimada
Maamul-goboleedka Putland oo 7-dii sano ee u danbeeysay aan wax wadashaqeyn la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliya
ayaan qarsanin ruqsadsiinta doomo iyo maraakiib shisheeye oo ooda soo goostay si uga jilaabtaan biyaha Somalia
Ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeeda, Eunavfor Atalanta, ayaa toddobaadkii hore dhacdada ku tilmaamay “dhac ka dhacay badda”.
Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amni ee ka jira badda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa aafeeyey burcad badeednimo, kuwaas oo gaaray heerkii ugu sarreeyay 2011-kii, markaasi oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160-weerar laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.
Dhacdooyinka ayaa aad hoos ugu dhacay tan iyo markaas, sababo la xiriira joogitaanka ciidamada badda Maraykanka iyo xulafadooda ee biyaha caalamiga ah
Hadii Putland ay faa,iido dhaqaale ku qabto ruqsadsiinta kaluumeysiga sharci darrada ah, Burcadbadeeda Iyo Dacishta Puurah Putland ku jirtana shaki laaan waxay saami-wadaag ku yihiin Madaxfurashada.