20″ Feb”2923″ Aljazeera
壯陽藥 e-color has-vivid-red-background-color has-text-color has-background has-medium-font-size”>Dadka ku nool waqooyiga Suuriya ‘waxba kuma kalsoona’ banaanka ayay caawa u hoyanayaan Iyadoo Laba ruxasho oo dhacay Fiidnimadii February 20, 2023 ay argagax iyo cabsi ku abuureen dadkii ka badbaaday dhulgariirkii laba toddobaad ka hor. Dheeho.com
Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqaday inay u dhisayaan dadka guryuhu ka burburay ku dhawaad 200,000 oo guri oo laga hirgalin doono gobolada uu dhulgariirku ku dhuftay:
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay ka hirgalinayso dhismayaal gaaraya ilaa 200,000 oo guri oo cusub gobolka Koonfur Bari ee dalkaas.
Waxa uu ballan qaaday in dib u dhiska uu bilaaban doono bisha Maarso si loo dhiso 199,739 guri gobollada ay dhibaatadu saameysey.
“Dhismayaashan midkoodna kama badnaan doono saddex ama afar dabaq,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan ka dib markii dhulgariirku sababay in dhowr dabaq oo dhaadheer ay dumaan.
Saddex qof ayaa ku dhintay, 213 kalena way ku dhaawacmeen dhulgariirrada cusub ee Isniintan sida uu xaqiijiyay Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu
Wakaalada wararka ee Anadolu ee ku hadasha afka dowlada Turkiga ayaa sheegtay in laga dareemayo dalalka Syria, Jordan, Israel iyo Masar
Dadka ku nool waqooyiga Suuriya ‘waxba kuma kalsoona’ banaanka ayay caawa u hoyanayaan”
Abdulkafi al-Hamdo, oo u dhaqdhaqaaqa mucaaradka waqooyiga Suuriya, ayaa sheegay in dadkii ka badbaaday dhulgariirkii hore ay aad uga argagaxeen gariirkan danbe.
“Waayo-aragnimadii hore awgeed, dadku waxay qabaan argagax, Naxdin Iyo cabsi, sidaas darteed qof kastaa wuxuu u cararay dibadda.
Dadka qaar ayaa shilal galay iyaga oo ka soo yaacay guryahooda” qaarkood ayaa xitaa ka booday balakoonadooda si ay uga badbaadaan dhulgariirka kale oo suurtagal ah” Dadka halkan jooga ammaan ma ahan.”yuu yiri Abdulkafi