Saddex qof oo nool ayaa la soo badbaadiyay 13 maalmood ka dib dhulgariirka ku dhuftay Turkiga

18″ February “2023

犀利士 -image aligncenter size-full”>

Saddex qof oo nool ayaa la soo badbaadiyay 13 maalmood ka dib dhulgariirka ku dhuftay Turkiga iyadoo Tirada dhimashada dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 45,000. Dheeho.com

“Tirada guud ee dadka lagu dilay Turkiga ayaa gaartay 39,672. Dowladda Suuriya iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in in ka badan 5,800 oo qof ay ku dhinteen halkaas Kooxaha samatabbixinta ee Hatay ee Turkiga ayaa badbaadiyay nin 45 jir ah oo nool ka dib markii uu 278 saacadood ku hoos jiray burburka.

” Turkiga ayaa daryeelaya 1,589 carruur ah oo ay kala tageen qoysaskooda dhulgariirkii ka dib

“178 baabuur oo kuwa xamuulka ah oo gargaar ka soo qaaday Turkiga kuna sii jeeday waqooyi-galbeed ee Suuriya ayaa ka tallaabay xadka tan iyo 9-kii bishii Febraayo.

Ciyaaryahanka reer Ghana Christian Atsu, oo 31 jir ah, ayaa meydkiisa laga helay koonfurta Turkiga Isaga oo ku hoos jira burburka dhismihii uu ku noolaa, ka dib dhulgariir weyn oo todobaadkii hore dhacay dalka Turkiga, sida uu sheegay wakiilkiisa iyo naadiga Turkiga Sabtidii. Dheeho.com

Ciyaaryahankii hore ee Premier League, oo ku biiray kooxda Turkiga ee Hatayspor sannadkii hore, ayaa la la’aa tan iyo 6-dii February markii dhulgariirku burburiyay koonfurta Turkiga iyo waqooyi-galbeed ee Suuriya.

“Meydka Atsu ayaa laga helay burburka hoostiisa,” wakiilka Murat Uzunmehmet ayaa u sheegay suxufiyiinta Hatay.