24″ February “2023
Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay wax ay ugu yeertay weerarada aan loo meel dayin ooy ku dhinteen dadbadan oo rayid ah ee ka dhacaya magaalada Laascanood, Dheeho.com
Qoraal ay goor dhoweeyd soo dhigtay barteeda Twitter-ka
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si kulul ula hadlay dhinacyada ku lugta leh dirirta todobaadkii sadaxad ka socda magaalada #Laascaanood
Qoraalka oo lagu muujiyay in magaalada Laascanood, lagu qasbay guryahooda inay ka cararaan dad ka badan 185,000 oo qof iyo in la, la xisaabtami doono ciddii ka dambaysayna ayaa degdeg u dalabanaya joojinta colaadda
Hadalka safaarada Maraykanka ee Somalia ayaa yimid maalin ka dib markii wafdi safaarada ka socda ay magaalada Hargeysa u tageen inay muusa biixi kala hadlaan joojinta dagaalka magaalada laascaanood
“Duqeynta magaalada laascaanood ayaa jimcihii maanta sii socday iyadoo Axmed Maxamed Xasan, Maamulaha Isbitaalka ugu weyn ee magaalada Laascaanood uu khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP Inay hayaan 96 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 560 qof oo kale