Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa hoos u dhigtay calanka Jamuriyada Somali Iyada oo loogu baroor diiqayo geerida madaxweynihii hore ee Cali mahdi maxamed

11″ March ” 2021v KAMPALA

Safaaradda J. F. Soomaaliya oo muddo 3 cisho ah calanka hoos u dhigtay

Iyadoo la fulinayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Safaaradda J. F. Soomaaliya ayaa sidoo kale furtay buuga tacsida si tacsida uga qayb qaataan madaxda dalka Uganda iyo diblumaasiyiinta wadama kale ee ka howl gala dalka Uganda.

Leave a Reply