Safarka Wasiirka Batroolka iyo Madaxa Shirkadda Coastaline ku joogaan Mareykanka

March ” 2″ 2021

Kadib fashilkii bishii Janaayo ee sanadkan ee ka dhacay saxiixa heshiiska lagu siinayay xirmooyin shidaal sharikadaha Coastal ( Somaoil and Gas) iyo Liberty, ayaa waxaa soo ifbaxaya in Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed uu u amababaxay dalka Maraykanka, si uu u sii wado kulamadiisa la xiriiro arrimaha shidaalka iyo xaraashka xirmooyinka shidaalka.

Socdaalka Wasiirka waxaa ku wehliya Cabdullaahi Shiikheey oo ah wakiilka Shirkadda Coastaline Ex SOMAOIL ee Soomaaliya.

Bishii hore ayaa loollan ku salaysan awoodda xaraashka shidaalka waxuu dhexmaray Wasiirka Batroolka iyo Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA), waxaana loolankaas uu sababay in Maareeyaha Hey’addaas Ibraahim Xuseen in xilka laga qaado, lagana saaro xubinnimada hay’adda.

Waxaa toddobaadyadan socotay dood ku saabsan awoodda dowladda ee xilliga kala guurka, iyadoo sharci darro lagu tilmaamay dhammaan heshiisyada, guddiyada Qaran iyo sharciyada ay soo saareen golaha Wasiirada ee uu soo meel mariyay Golaha shacabka intii ay jirtay Xukuumaddii xil gaarsiinta iyo kuwa uu saxiixay Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday 8 Febraayo 2021.

eshiiskii fashilmay ee la qorsheynayay in lagu saxiixo Muqdisho bishii Janaayo 2021 ayaa wax badan daboolka ka qaaday, iyadoo arrinaas degdeg u soo farageliyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, kuna tilmaameen heshiiskaas inuu baalmarsan yahay nidaamka deyn cafinta, taasoo haddii la saxiixi lahaa ay dhaawac u geysan laheyd horumarka laga sameeyay hannaanka deyn cafinta ee soo socday sanadihii la soo dhaafay

Leave a Reply