Safiirka Denmark ee Somalia oo loo haysto kiis xasaasi ah, loogana yeeray

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo banddhigtay kiis xasaasi ah oo loo haysto safiirka dowladda Danmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen, kaas oo kamid ahaa wafuuda caalamiga ah ee qaybta ka ahaa kormeerka doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday deegaannada maamulka Somaliand.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo warqad u dirtay Danjiraha ayaa ugu yeertay inuu yimaado xafiiska, waxayna ku eedeysay inuu ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax banaanida dalka uu ku dhowaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa,

Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qarinayo dalka uu safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah safiiradii tegay Somaliland in ay qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, isla markaana taasi ay u arkaan arrin khalad ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in safiiradu aanay ka aqbali doonin in sida dal oo kale ama dowlad gaar ah ay ula macaamilaan maamulka Somaliland.

“Safiirrada ajanabiga ah ee dalkan ku sugan qaarkood waxay tageen Hargeysa oo doorasho ka socotay, dowladda Soomaaliya mowqifkeeda way cadeysay oo ku saabsan doorashada, Soomaaliya waa hal dal, waxii dhaxdeenna aan isku haysaneyno aan isku heysano, laakiin nin safiir ah oo dowlad u soo xilsaaratay inuu safiir ka noqdo halkan, kama yeeleyno inuu dal ku tilmaamo, kama yeeleyno inuu qariyo dalka Safiirka uu ka yahay” ayuu sii raaciyay.