18″ April “2023
Bangiga Salaam Somali Bank ayaa qeyb cusub waxa uu ka daah furay xarunta ganacsi ee Juba Hypermarket oo ku taala isgoyska Juba ee magaalada Muqdisho.
Qeybtan ayaa loogu talagalay in bulshada kunool degmooyinka ku xeeran isgoyska Juba ay Ka faaideestaan iyaga oo kamaarmaya in meelo fog ay u soo doontaan adeegyada Bangiga Salaam Somali Bank.
Waxaa sidoo kale loogu tala galay bulshada u soo dukaameysita Juba Hypermarket in iyaguna ay si fudud u helaan adeegyada Bangiga Salaam Somali Bank
Cabdifataax Maxamed Odowaa Madaxa qeybtan Cusub ayaa sheegay in faracan cusub uu qeyb ka yahay daadajinta adeegyada Salaam Somali Bank isaga oo tilmaamay in macaamiishu ay ka heli doonaan dhamaan adeegyada Bangiga.
Waxa uu tilmaamay in sharaf weyn ay u tahay in xarun cusub ay ka hirgaliyaan isgoyska Juba isaga oo tilmaamay in macaamiishooda ay ka heli karaan dhamaan adeegyada ay u baahanyihiin,
Cabdifataaax ayaa sheegay in ay ugu tala galeen macaamiisha ka dukaameesaneysa Juba Hypermarket iyo bulshada ku nool nawaaxiga isgoyska Juba.
Qaar kamid ah bulshada ku nool isgoyska Juba ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay qeybtan cusub ee bangigu ka furay Juba HyperMarket .