24″ February “2023
Sannad ka dib duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine beeralayda Afrika waxay la halgamaysaa inay ka gudbaan khalkhalka sugnaan la,aanta cuntada-ee ka dhalatay coladda-Halka Yurub ay dareemayso qanjaruufo tamareed. Dheeho.com
Iyadoo dunidu ay la daalaa-dhaceeyso sidii ay ula qabsan lahaayd adkeysiga iyo ka soo kabashada saamaynta-dhaqaale ee cudurka Covid-19 iyo Isbadelka cimilada, ayaa colaadda Ruuska iyo Ukraine waxay khatar kale oo weyn ku noqotay dhaqaalaha adduunka.
Haqab-beelka cuntada: Dagaalka Ukraine iyo Ruushka waxa uu saameeyaa nidaamka cuntada oo keenaya gaajada ugu daran ee aan la saadaalin karin oo wali kor u sii kacaysa maalin犀利士 ba maalinta ka dambaysa.
Wadamada Afrika ayaa si toos ah waxaa saameeyay dagaal Ruushka iyo Ukraine gaar ahaan beeralayda oo ku tiirsanaa agabka beeraha wadamadan ay dirirtoodu sanad jirsatay
Ruushka & Ukraine ayaa ah kuwa ugu badan ee bixiya badeecadaha aasaasiga ah ee beeraha sida sarreenka oo sanadkii la soo dhaafay, qiimihiisu uu cirka isku shareeray badeecadaha beeralayda ayaa aad isu bedalay iyadoo halista xiisadda colaada ay carqaladeysay shixnadaha sarreenka caalamka.
Inkastoo Heshiiskii Istanbul ee dhoofinta badarka iyo bacriminta ee Qaramada midoobay iyo Turkiga ay garwadeenka ka ahaayeen uu waxoogaa horumar ah ku soo kordhiyay ka hortaga gaajada iyo cuna yaraanta ka dhaltaya colaada Ruushka iyo Ukraine hadana burburinta iyo sare u kaca qiimaha badeecadaha, shidaalka, bacriminta iyo agabyada kale ee beeralaydayada Africa ay u baahan yihiin oo ciriiri noqday ayaa waxa uu khatar geliyay xasilloonida sugnaanta cuntada
Natiijo ahaan, waxay kordhisay kharashyada gaadiidka ee beeralayda,oo hoos u dhigay dakhligooda, iyadoo faa’iidada. Saamaynta qallafsan ay ka mid tahay kor u qaadista qiimaha badeecadaha oo sanad kadib ay dad yar awoodi karaan inay iibsadaan.
Dagaalka ka hor beeraleydu waxa ay awoodeen in ay qanciyaan dadka deegaanka sidoo kale waxa ay u dhoofin jireen suuqyada caalamka wax soo saarkooda, balse hadda ma fududa in la quudiyo xubnaha qoyska gaar ahaan beeralayda yar yar ayuu yiri beer qode Uganday’s ah oo la hadlay warbaahinta gudaha
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo soo dhaafay saameeyntiisa in uu ku ekaado kuwa uu dhaxmarayo oo qura ayaa wali sii socda sanad kadib iyadoo xal la,aanta ay macnaheedu tahay Inay laba-jibaarmi karto dhibaatooyinka ka dhalanaya…