Sanad kadib maxay la kulmeen ganacsatada Muqdisho ee lagu amray in ay xirtaan Kaamiradaha CCTV?

Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ku sugan xaalad cakiran.

Dowladda ayaa ku amartay in bannaanka ganacsiyadooda ay ku xiraan kamaradaha ammaanka (CCTV).

Kaamirada amniga ayaa baahideeda loo sababeeyay si loola socdo dhaq-dhaqaaqa falalka amni darro ee ka dhaca caasimadda.

Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada ayaa sheegay in ay ka baqayaan in haddii ay ku xiraan kaamirooyinka ay beegsadaan oo ay dilaan Al-Shabaab.

Haddii aysan xarumohooda ku xirin kamaradaha amniga, booliiska ayaa xiri doona.

“Shaqadaydii waan isaga tagay oo waxaan aaday guriga sababtoo ah kamaradaha ammaanka,” ayuu yiri Xamze Nuur oo 48 jir ah (magaca ayaa la beddelay sabab amni).

Wuxuu fadhiyaa fadhiga, isagoo isku la ciyaaraya mid ka mid ah carruurtiisa.

Dukaankiisii ayuu iibiyey, isagoo ka baqaya waxa ku dhici doona, ama dawladda ama kooxaha hubaysan.

“Dhinac waxa nalagu yiri kamarada xira, dhanka kale waxa nalagu yiri kaamirada fura, hadba sida aan doorano, ama waa nala toogtay ama waa nala xiray,” ayuu yidhi.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka cabsi qaba in loo dilo kaamirooyinka amniga awgood

Dawladdu waxay soo saartay amar ah in ganacsatadu ay ku rakibaan kamaradaha amniga iyaga oo kharashkooda bixinaya.

Tani waa si looga hortago weerarrada al-Shabaab.

Ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Diiriye oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in go’aanka lagu rakibay kamaradaha ammaanka uu yahay mid wax ku ool ah.

“Afar ilaa shan qarax ayaa bishiiba ka dhici jiray Muqdisho, laakiin hadda xaaladdu sidaas maaha,” ayuu yiri.

Dowladda ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku amartay in ay kamaradaha ku xiraan albaabada guryahooda iyo dhismayaasha ay degan yihiin.

Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan in Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan guryahooda.

Al-Shabaab ayaa qaaday 10 weerar oo ay ku dileen 4 ganacsato ah tan iyo bishii October 2024-kii.

Sida laga soo xigtay xogta goobta isku dhacyada hubaysan iyo dhacdooyinka (ACLED) ee la socda iska horimaadyada iyo rabshadaha, dilka ayaa lala xiriiriyay rakibidda kamaradaha amniga.

Hadafka dowladda waa in la gooyo ilaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay xogta ay sii daysay Ackled, go’aanka dowladda ayaa horseeday in kooxda ay qaadaan weerarro aargoosi ah.

“Waxay ku khasabtay in goobo badan oo waaweyn oo laga dukaameysto oo ku yaalla Muqdisho ay xirmaan maalmo,” ayay tiri hay’addu.

Ku xigeenka duqa Muqdisho, ayaa beeniyay in ganacsatada lagu khasbay inay xiraan kamaradaha ammaanka. Wuxuu sheegay in dukaamada aan la xirin.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in cabsi ay soo wajahday, isla markaana dowladda ay u ballan qaaday inay ilaalin doonto ammaankooda.

“Magaalada waa nabad, ganacsigii wuu sii socdaa,” ayuu yiri maayar ku xigeenka.

Al-shabaab

Balse sida ay sheegtay Caasho Maxamed Warsame, rag hubeysan oo wajiyada soo duubtay ayaa dilay walaalkeed oo 40 jir ahaa, laguna magacaabi jiray Daahir Maxamed Warsame.

Marxuumka ayaa la toogtay xili uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla wadada Yaaqshiid.

Daahir ayaa kaamirada amniga ku xirtay afaafka hore ee dukaanka bishii October ee lasoo dhaafay, kadib cadaadis uga yimid ciidamada amaanka dowladda.

“Wuxuu dhintay isagoo ifka kaga tagay lix caruur ah. Ilmaha ugu yari wuxuu jiraa afar bilood oo keliya,” ayay tiri.

Ismaaciil Xaashi, oo 33 jir ah, (magaciisa la beddelay) ayaa sheegay in lagu qasbay inuu xiro dukaankiisa ka dib markii uu soo gaaray telefoono hanjabaad ah oo aan la garanayn.

Wuxuu aaminsan yahay in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo weceen.

“Waxay haysteen magacayga iyo macluumaadka kale ee aniga igu saabsan,” ayuu yiri.

Booliisku wuxuu u yeeray Ismaaciil oo ku amray inuu dukaanka furo. Markii uu diiday, waxa uu xirnaa maalmo ka dibna la sii daayay.

Sida ay dowladdu amartay kaamirada amniga ayaa albaabka dukaankeyga ku xiran, waxaan ogahay in qof doonayo inuu i dilo aysan dowladdu xilligaas iga badbaadin karin, mar walba waxaan ka cabsadaa qof dukaanka soo gala, sababtoo ah waxaan u maleynayaa inay isku dayayaan in la’i dilo.”

Siidow Abdullah Mohammed oo 39 jir ah, (magaciisa la bedelay) ayaa sheegay in la xiray kadib markii uu ku guuldareystay in uu ku xiro kaamirooyinka ammaanka dukaankiisa oo ku yaala wadada Wadajir.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in 14 qof laga soo qabtay isla wadada.

“Waxaa nala geeyay saldhiga degmada Wadajir, saacado ayaa nalagu xiray, waxaa noo yimid nin aqoonsi dowladeed sita oo na sii daayay” ayuu yiri.

Ka dib markii la sii daayay isaga iyo ganacsato kale, aad bay u baqeen, inkastoo ay xarumahooda kuxireen kamarado.

“Waxaan nahay dad shacab ah, balse waxaa nalagu qasbay inaan kaamirooyinka iibsanno, waxaa nalagu qasbay inaan albaabadayada ku xirno kamarado oo aan isku bandhigno weerarrada Al-shabaab, tani ma waxay u muuqataa in dowladdu ay heli karto taageeradayada?” ayuu yiri

BBC