Taliyihii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Goobjoog kaga hadlay doorashooyinka, shirka Dhuusamareeb ee dowlad goboleedyada iyo arrimo kale.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu yahay shir xasaasi ah oo waqtigiisa ku soo aaday, isla markaana loo baahan yahay in maamul goboleedyada ku adkeystaan mowqifkooda si dalka doorasho uga dhacdo, maadaama waqti badan jirin.
Mr Sanbaloolshe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu weli ku adkeysanayo doorasho qof iyo cod, isla markaana aan la diyaarin afartii sano ee uu xilka hayay, waxaa uu tilmaamay inuu doonayo labo sano oo muddo kororsi ah sida uu yiri.
“Farmaajo inta aan ka aqaan waa nin aan ka guurin ama ka fuqin meesha uu ku dhago, waxaa dhici karta dib u gurasho inuu sameeyo oo aanu tanaasul dhab ah la imaan, Nimankaan maamul goboleedyada waa in mowqifkooda adkeeyaan oo aysan waqti iska lumin oo meesha dabeel ku dilin wixii ay go’aamiyaan ha difaacdaan, Madaxweynaha shabaqa ayuu soo galay, waa in dabarka lagu adkeeyo, marnaba aan laga tanaasulin, waqti ma jiro, talada Soomaaliyeed qof iskama lahan, waa la wada leeyahay, kuligeen waa inaan ka ilaalino shirkaas fashil, inkastoo Soomaali tiri geed libaax hoos jiifo xooluhu ma daaqaan waa ka cabsadaan, Madaxweynaha libaax ma ahan, waqtigiisa waa dhamaaday, dadkuu la mid yahay Miiska wada hadalka la fadhiyaa”ayuu yiri Sanbaloolshe.
Sidoo kale waxaa uu soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray todobaadkii hore Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagooo xusay in hadalkii Ra’iisul Wasaaraha iyo warkii uu soo saaray Madaxweynaha ay wax badan ku kala duwan yihiin sida uu yiri.
“Waxaa rajeynayaa hadalka Ra’iisul Wasaaraha inay dhab ka tahay, Muddo ayuu Ra’iisul Wasaaraha luuq ku jiray, hadda luuq luuqii waa ka soo baxay, nin dhiiran oo bannaanka taagan oo mowqifkiisa cad yahay ayuu u egyahay”ayuu yiri.
GOOBJOOG