Sannadka 2022-ka ee dib u eegista Africa – U-dabaal degga Haweenka u halgamaya xuquuqdooda iyo Asia oo ..

30″ December”2022

Dumarka Afrikaanka ah waxay aadaan jaamacad xitaa haddii ay uur leeyihiin waxay galaan siyaasadda halka dumarka Afgaanistaan ​​loo diiday inay shaqeeystaan ama helaan waxbarasho sare, tani waxay muujineeysaa saluug ku jira sida Dunidu aysan wali-jawaab ku filan uga bixin halganka haweenka Afgaanistaan

Sannadka 2022-ka dib u eegista Africa -looga dabaal deggayo Haweenka u halgamaya xuquuqdooda iyo Asia oo meelo ka mida oo taas badalkeed lagu weeray ilaalinta xuquqda haweenka iyadoo ay jirto In Qalalaasaha Isbadelka cimilada uu aan xad lahayn u saameeyay guud ahaan haweenka iyo gabdhaha Ku nool meelo badan oo adduunka ah .

壯陽藥

Dumarka Afrikaanka ah waxay aadaan jaamacad xitaa haddii ay uur leeyihiin waxay galaan siyaasadda halka dumarka Afgaanistaan ​​loo diiday inay shaqeeystaan ama helaan waxbarasho sare, tani waxay muujineeysaa saluug ku jira in Dunidu aysan wali-jawaab ku filan ka bixin halganka haweenka Afgaanistaan

Tilmaamaha Saacadaha ugu danbeeya sannadka 2022-da ee Dib-u-eegista, kaalinta haweenka dunida ayaa muujinaya kala duwanaashaha haweenka africanka ah iyo kuwa qaar ka mida dalalka Asia-iyadoo ay jirto Qalalaasaha Isbadelka cimilada oo aan xad lahayn in uu saameeyay guud ahaan haween iyo gabdho ku nool meelo badan oo adduunka ah.

Ixtiraamkii loo hayay ilaalinta xuquuqda haweenka,ayaa mar-labaad, lagu weeraray waddamo badan oo caalamka 2022 sida Afghanistan iyo Iran halka Africa ooy ku jiraan kuwa ah dowlado Islaam ah ay haween badani heeystaan xuquuqo ay u dabaaldagi karaan in ay u soo halgameen.

Somalia haweeneey ayaa ka qabatay xil sare markii ugu horeeysay taariiqda dalkeeda sacdiyo xaaji samatar ayaa bishii May loo doortay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka somalia iyadoo Tanzania ay haweeney Muslimada ah ka tahay Madaxweyne

Qaramada Midoobay, oo ay ka go’an tahay inay awood u siiso haweenka iyo gabdhaha, ayaa si hagar la’aan ah ula shaqeysay dhaqdhaqaaqayaasha iyo ururada adduunka oo dhan, si ay haweenka uga ilaaliso in ay la kulmaan xadgudubyo iyadoo taageeridda dadaallada caafimaadka, iyo horumarinta nolosha haweenka badan oo African ay sii xumeeysay Saameeynta Isbadelka cimilada oo sanadka sii dhamanaya ee 2022-da uu noqday mid aad uga sii dara markii gabdha badan ay ka hareen waxbarashada si ay qoysaskooda uga caawiyaan duruufaha nololeed ee la soo darsay

Waxbarashadu ma sugi karto gabdhaha abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya UNICEF ayaa tiri-Ugu yaraan 4 milyan oo gabdho ah oo ku nool wadamada dakhligoodu hooseeyo ma awoodi doonaan inay dhammaystaan ​​waxbarashadooda sababo la xiriira saamaynta isbedelka cimilada

Sida laga soo xigtay hay’ado ka shaqeeya Soomaaliya,waxaa jira 2.4 milyan oo carruur ah oo da’dii waxbarashada gaartay oo ay saameeyeen abaaro iyadoo 1.7 milyan oo ka mid ah ay Isaga hareen waxbarashada

Laakiin Asia Haweenka ku hoos nool xukunka Taliban ee dalka Afgaanistaan hadda waa laga mamnuucay inay dhigtaan jaamacadaha iyo dugsiyada sare aka shaqeeystaan

Labo iyo toban bilood ka dib, UN Women ayaa ku dhawaaqday in hay’addu ay ka go’an tahay inay sii waddo halganka loogu jiro xuquuqda haweenka Afgaanistaan, oo ah waddanka keliya ee adduunka laga mamnuucay gabdhaha inay aadaan dugsiga sare, si hufanna looga mamnuucay ka qaybgalka siyaasadda iyo shaqada

Bishii Nofembar, xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, OHCHR, ayaa cambaareeyay jawaabta taliska Iran uu ka bixiyay dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda,ka dib dhimashadii Mahsa Amini, oo ah haweeney da’yar oo ku dhimatay xabsiga Sebtembar, ka dib markii loo xiray iyada oo si khaldan u xiratay xijaabkeeda, sida ay sheegeen waxa loogu yeero booliiska anshaxa.

Dhimashadeeda ayaa horseeday mudaaharaadyo ka dhacay magaalooyin badan oo Iran ah, oo ay ku jiraan mudaaharaad ay sameeyeen gabdhaha da’da dugsiga sare. Dowladda Iran ayaa jawaab ka bixisay xariga kumannaan dibadbaxayaal ah oo ay ku jiraan haween, carruur, dhallinyaro, iyo saxafiyii

Leave a Reply