Muxuu yahay Ujeedada Socdaalkooda Saraakiil Itoobiyaan Ah oo maanta gaaray magaalada Garoowe?

April 13, 2024

illo ku dhowdhow Somaliland ayaa shedgaya in Saraakiil ka socda Itoobiya oo Puntland kala hadlaya sidii Khaatumo dib loogu celin lahaa gacanta Muuse Biixi inay gaareen magaalada Garoowe Dheeho News Every Day

Wafdi ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Wafdigan ayaa ka kooban xubno ka socda sirdoonka Itoobiya, milatariga dalkaas iyo saraakiil kale oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo maalmihii u dambeeyay iskaashi toos ah la sa

Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ka socda Itoobiya loo sii gudbiyay deegaano dhaca dhanka xeebta oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Bari ee maamulkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada Garoowe oo ku aadan saraakiisha ka socda Itoobiya oo maanta diyaarad gaar ah ay ka dajisay magaaladaasi.

Dhawaan madaxweyne Deni ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay caasimadda Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay madaxda saree ee dalka Itoobiya.

Booqashadaas waxaa kasii horreeyay heshiisyo ay labada dhinac ku wada gaareen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaas oo ay ka hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala laabatay dowladda dhexe, sababo la xiriira壯陽藥 ansixinta wax ka beddelka dastuurka, arrintaasi waxa ay sare u sii qaaday khilaafka labada dhinac oo saameyn ku yeeshay wada shaqeynta Puntland iyo dowladda dhexe.