Saraakiisha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

13- September-2023 Muqdisho

Saraakiisha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu watay nin ka tirsan Al-Shabaab.

Gaariga ayaa ku qarxay bar koontarool oo ku taal degmada Dayniile ee waqooyiga magaalada, halkaas oo ciidamada bilayska ah ay ku sugan yihiin bar koontarool oo caasimadda looga ilaaliyo weeraro ka baxsan.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee dhanka ammaanka Cali Cabdi Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in 5 askari iyo qof shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarkii la fashiliyay ee Arbacadii dhacay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay xireen ciidamada Booliska, waxaana ay muddo kooban hakiyeen gaadiidka dadweynaha, si loo xaqiijiyo ammaanka, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse ma aysan shaacin tirada dadka dhaawacyadu kasoo gaareen iyo in ay dileen. Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo la adkeeyay ammaanka.

Talaadadii, NISA ayaa shaacisay magacyada todobo ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab oo lagu dilay howlgalo ka dhacay deegaanka Awdheegle 10-kii bishan iyo deegaanka Bulacle oo u dhow Dhuusamareeb 11-kii September 2023. .

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xubnaha la dilay ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka, qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Soomaaliya.

Leave a Reply