Save the Children ayaa ugu baaqday madaxda Somalia in ay soo faragaliyaan xaalada afar caruur Somali ah oo maamulka butalnd uu ku xukumay dil toogasho ah markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen kooxo hubaysan

Feberaayo 11, 2022

Hay’adda Save the Children ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay soo farageliyaan kaddib markii lix wiil oo dhallinyaro ah ay maxkamadda ciidamada ku xukuntay inay ku lug lahaayeen kooxo hubeysan, iyadoo afar lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhallinyaradan ayaa bishii Oktoobar 2020 laga qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Puntland ee Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen kooxo hubeysan. Afar ka mid ah wiilasha ayaa 15 jir ahaa markii la xirayay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo fadhigeedu yahay magaalada Gaalkacyo ayaa 31-kii bishii Janaayo xukun dil ah ku riday afar ka mid ah dhalinyaradaasi oo da’doodu u dhaxeyso 16 – 18 jir, halka labada kale oo da’dooda lagu kala sheegay 16 sano jir lagu kala xukumay 30 sano iyo 20 sano oo xarig ah.

Xukunku wuxuu xadgudub ku yahay axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta, kaasoo ay Soomaaliya ansixisay 2015-kii, kaasoo dhigaya ballan-qaadyada Soomaaliya ee ah ilaalinta xuquuqda nolosha, badbaadada, iyo ilaalinta xuquuqda carruurta ee ku habboon.

犀利士 eeho.com/wp-content/uploads/2022/02/image-48.png” alt=”” class=”wp-image-48693″/>

Madaxa Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Xasan, ayaa yiri:

“Aad baan uga walaacsanahay xukunnadan, in dhalinyarada lagu xukumo dil iyo xabsi dheer – iyadoon loo eegin dambigooda – ma ahan mid ka hortag ah, waxaana hubaal ah inaysan waafaqsanayn heerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya aqbashay. Wiilashani waxay mudan yihiin. fursad dhaqan celin ah, waxaana ku boorineynaa dowladda inay xaqiijiso cadaaladda.

“Waxaan ku boorinaynaa dawladda Puntland inay xoojiso dhaqangelinta iyo dhaqan gelinta xeerka caddaaladda carruurta Puntland, si loo ilaaliyo, loolana dhaqmo dhammaan carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir, si waafaqsan heerarka xuquqda carruurta.

“Guud ahaan Soomaaliya, carruurta waa in laga ilaaliyo askaraynta iyo adeegsiga kooxaha hubaysan. Waayo-aragnimada lala xidhiidhinayo ciidan hubaysan ama koox waxay yeelan kartaa saamayn degdeg ah oo waarta iyo cawaaqibta wiilasha iyo gabdhaha, oo ay ku jiraan dhiig-miirashada iyo xadgudubka, dhaawaca jidhka ama naafanimada. Waa in la ilaaliyo ee aan la ciqaabin.”

Save the Children waxa ay ka shaqeysaa guud ahaan Soomaaliya iyadoo caawinaysa dowladda iyo bulshada si ay u dhawraan xuquuqda carruurta si ay u noolaadaan, wax u bartaan oo loo ilaaliyo. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah waa in ay dammaanad qaadaan habraac sharciyeedka xasaasiga ah ee carruurta ilmo kasta oo lagu soo oogo dambi. Kuwaani waa inay ka mid noqdaan hubinta matalaad sharci oo waafi ah iyo fulinta mabaadi’da cadaalada ubadka kuwaaso lagu jiheeyo leexinta, baxnaanintu, iyo dib ula mid noqoshada qoysaskooda iyo bulshada.

Save the Children waxa ay soo dhawaynaysaa horumarka dawladda Puntland ee ku aaddan hirgelinta sharciga caddaaladda carruurta. Hay’adda Save The Children waxa ay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay sii wadato wada shaqaynta iyo taageerada Dawladda Puntland si kor loogu qaado ilaalinta carruurta.

Weedhahan ayaa imanaya maalmo ka hor sannad-guurada 20-sano-guurada ee Xeerka Xuquuqda Carruurta ee ka-qaybgalka carruurta ee colaadaha hubaysan (OPAC), kaas oo mamnuucaya ka qaybgalka carruurta da’doodu ka yar tahay 18 sano ee colaadaha. Maalintii ay arrintan hirgashay oo ku beegnayd 12-kii February 2002, ayaa sannadkiiba mar loo xusaa ‘Maalinta Gacmaha Cas’ si loogu wacyigaliyo qorista iyo adeegsiga carruurta.

Leave a Reply