8″‘November, 2022 ” SOURCE: NEWS AGENCIES
Warbaahinta laga leeyahay Qatar ee Aljazeera ayaa Argagixisada shabaab waxay ugu yeertaa dagaalyahano, iyo kuwa raba in shareecada islaamka somalia ay ku xakumaan ha taasoo keeni karta in ay furto su,aallo la ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya Qatar iyo argagixisada caalmiga ah
Sawirku waxa uu muujinayaa toddoba nin oo garar dheeh oo “Qatari ah” laabtana ay kaga qoran yihiin tiro aad u badan-Waxay u muuqdaan kuwo bacaad kubad baacsanaya iyagoo wata baangado, qoryo iyo gantaalaha riddada dheer
Inkastoo dadka qaar ay ku tilmaameen Sawirku in uu yahay “Islaam nacaybka cad” iyo “cunsuriyadda hadana waxay u dhawdahay runta marka la eego Warbaahinta laga leeyahay Qatar ooy ugu horeeyso Aljazeera oo Argagixisada shabaab ugu yeerta dagaalyahano iyo kuwa raba in shareecada islaamka somalia ay ku xakumaan taasoo keeni karta in ay furto su,aallo la iska weeydiiyo xiriirka ka dhaxeeya Qatar iyo argagixisada caalmiga ah
Mid ayaa xiran suun ay ku raran yihiin walxaha qarxa-Shan ka mid ah waxay gashan yihiin khamiisyo buluug ah, labana waxay gashan yihiin shaarar madow iyo surwaal ay wejiyada ka qarsan yihiin.
Wargeeyska Le Canard Enchaîné ayaa daabacday sawir gacmeed la yaso oo muujinaya cunsuriyad cad iyo nacayb ay u qabto Islaamka,” mid ka mid ah isticmaalayaasha ayaa ku soo qoray afka Carabiga barta Twitter-ka. “Waxay Qatar ku tilmaameen imaarad kali talis ah, xulkeedana waa argagixiso
Wargeeyska Le Canard enchainé cadadkeesii Oktoobar ayaa diiradda saaraya Qatar iyo doorkeeda martigelinta Koobka Adduunka ee FIFA 2022.sidaas waxaa qaba aragtiyada dadka soo dhaweeynaya runimada daabacaada
Kooxda kubada cagta ee ugu sareysa France, Paris Saint-Germain, waxaa iska leh Nasser Al-Khelaifi, oo ah gudoomiyaha Maalgelinta Ciyaaraha Qatar iyo beIN media gGroup.
“Waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan oo wax ku ool ah oo aan la leenahay kooxda iyo inta ku xeeran, haddana nagama hor istaagayso inaan dhahno markaan khilaafno,” Pierre Rabadan, oo ah ku-xigeenka duqa magaalada Paris ee mas’uulka ka ah isboortiga, ayaa u sheegay warbaahinta Faransiiska.
Qaabka ay Qatar ula dhaqanto shaqaalaha muhaajiriinta ah iyo heerkeeda dhowrista xuquuqul iinsaanka ee liita ayaa isha lagu wada hayay tan iyo markii la guddoonsiiyay marti gelinta Koobka Adduunka ee FIFA 2022 oo la sheego in ay ku iibsatay Qatar si musuq maasuq ah