Al-Shabaab oo Soo Bandhigtay Sawirka Diyaarad Ku Burburtay Sh/Hoose

MUQDISHO / RADIODALSAN

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa soo Bandhigay burburka diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka, taasi oo ay sheegeen inay ku  dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in xiligii  diyaarada dhaceysay ay howlo basaasnimo ka waday duleedka Garoonka Balidoogle oo Saldhig weyn ay ku leeyihiin Ciidamo oo Mareykanka tababaray.

Sidoo kale shabaab ayaa sheegtay in diyaaradda ay ku dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan, ayna ku xiran yihiin  Kaamirooyin iyo qalab kale, isla markaana ay ka wada furteen dhammaan qalabkii ku xirnaa.

13-ka bishaan September ayay aheyd markii Al-shabaab ay soo bandhigeen diyaarad nooca yar ah ee loo adeegsado howlaha basaaska, taasi oo ku dhacday duleedka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Si kastaba Al-shabaab ayaa horey gacanta ugu dhigay diyaarado kuwa wax basaasa ah oo ku dhacay deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana inta badan diyaaradahaas  duqeymo iyo howlo kale u adeegsata dowladda Mareykanka.

Leave a Reply