21″ December”2020
Senator ka tirsanaa Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta waxa uu gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Mustafe Qodax ayaa dhowaan sheegay inuu iska casilay xubinimadii golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ka mid ahaa kadibna uu cafis weydiistay xukuumadda Somaliland.
Senatarka ayaa la sheegay in uu ka soo ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta halkaa oo uu dhowaan shir jaraa’id uu ku qabtay ku shaaciyay inuu ka baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Mustafe waxa uu noqday xildhibaankii labaad ee sanadkan isaga baxay baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka horeeyey Maxamed Cumar Carte Qaalib oo aabihii oo caanka ahaa dalka Soomaaliya uu ku xanuunsanayay xilligaas magaalada Hargeysa
.