31 Tuesday “Aug” 2021″ Jowhar.com
Senatar Muuse Suudi ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Soo dhoweynta Senatarka oo aheyd mid si heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman.
Dhoolatuska soo dhoweyntan loogu sameeyay magaalada Jowhar Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxa ay muujineysaa inuu taageero weyn haysto Muuse Suudi.
Kursiga uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi oo hadda loo tartami doono ayaa ah kan ugu culus siddeeda kursi ee la qorsheynayo in dhawaan lagu tartamo.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa dhawaan sheegay in doorashada Hirshabelle ee xubnaha Aqalka Sare ay noqon doonto mid hufan.
Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu wadaa in uu dhawaan shaaciyo xubnaha musharaxiinta Aqalka Sare ee metelaya dowlad goboleedka Hirshabelle.