Senator Muuse Suudi oo ka mid noqday xubnihii maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo

5″ April “2022” Muqdisho

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Ee FEIT oo magaalada Muqdisho maalintii afaraad ka wado shahaado bixinta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ayaa maanta tiro Xildhibaano guddoonsiiyau  Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Illaa hadda Xildhibaanada qaatay shahaadada musharaxnimo waxaa ay gaarayaan 10 Xildhibaan oo iskugu jira Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

犀利士

Waxay kala yihiin:

1. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
2.  Said Mohamed Ali GSH#093
3. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04
4. Abdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag AS#02
5. Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248
6. Osman Ali Yusuf GSH#198
7. Senator Muse Sudi Yalahow AS#17
8. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
9. Qali Ali Shire GSH#060
10. Xildhibaan Eng. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092.

Wali xarunta Guddiga ee FEIT waxaa sii garayo Xildhibaano dhowr ah kuwaas oo xarunta kasoo qaadanayo shahaadada Xildhibaanimo iyo kaarka aqoonsiga, iyadoo shalay guddiga ay soo gudbiyeen tirada xildhibaanada ah ay siiyeen shahaadada Xildhibaanimo kuwaas oo tiradooda ku sheegeen 132 Xildhibaa oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.