Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo fariin u diray R/W”Rooble Ayaa yiri waa la Xantaa Sidii uu dibada u Aaday ee Ha Is Dhaqo”

6″ Dec”2021″ Muqdisho ” Radio kulmiye

Senatar Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay xaalada siyaasada dalka waxana uu shaki ka muujiyay in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay daacad ka tahay sida uu howlaha doorashada u wado

Muuse Suudi oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa waxa uu ugu baaqay ra’isul Wasaare Rooble inuu iska dhaqo xanta suuqa taal ee ah in uu isbedel ku yimid markii uu dalka dibadiisa aaday.

“Lama hadlin raiisul wasaraha weligey,mana arag qof fariin iiga keentay haddii la iiga keenana wax u dhiibaayo ma jirto,ee shaqada loo igmaday inuu qabto ayaa laga rabaa,”ayuu yiri Muuse Suudi.

“Fariinta aan u farayo waxaa waaye waa la xantaa sida u dibada u aaday waa fitneystey ayaa la yiraahdaa, ee ha iska dhaqo doorasho sharaf leh oo dadkiisa iyo dalkiisa wax u taro halaga helo, quruxdiisa waa i quseysaa xumaantiisana waa i quseysaa.”ayuu sii raaciyay Senatar Muuse Suudi.

Ra’iisul Wasaaraha damac galay damac darajeed iyo hunguriyaa galay, maha inuu iska joogo inuu rabaan dareenay”ayuu yiri Muuse Suudi.

Senator Muuse Suudi Yalaxoow ayaa wareysiga uu bixiyay waxa uu ku beeniyay inuu xanuunsan yahay amaba uu geeriyooday waxana uu ugu baaqay taageerayaashiisa inaysan rumeysan warkaas.

Mar wax laga weydiiyay inuu jiro xiriir dhex m犀利士 aray isaga iyo villa Somaliya ayuu ku jawaabay Senatar Muuse;”Madax ma joogto, waqtigoodiina wuu dhacay, berigey fiyoobaayeenba uma tagi jirin maxaa hadda ka jarinaa, wax ka jiro ma lahan warkaas”.

Senatar Muuse Suudi ayaa ammaanay maamulka Hirshabeelle isagoona sheegay in uu yahay maamulka kaliya ceebta ka fogaaday, wuxuuna sheegay in uu haddana uu ka rajeynayo in Madaxweynaha Hirshabelle uu qabto doorasho.

Senatar Muuse Suudi Yalaxow ayaa marlabaad loogu doortay Aqalka Sare magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle

Leave a Reply